Thursday, 18 July 2013

Guurkii iyo is af-garadkii dhiigu ku daatey

By Ahmed Musse (Quduf)


Qabqab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu, qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco, qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo!

Qisadani akhristoow waxey ku saabsantahay rag caan ah oo soomalida ku magac bixiyay, Abwaano iyo Talis xukumona isugu jira. Qisadani waxey ka bilaabatay Raage Ugaas iyo Nin uu gabadh ka doonay oo reer jigjiga ah, kadibse dad badan aafeysay. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka sasabane ee ogaadeeniya, kana tirsan gobolka jarareed ee xarunta utahay Dhagax-Buur. Raage Ugaas wuxuu kasoo jeedaa qoys talin jiray oo ugaasyo ahaa badankood, aabihii Waa Ugaas Warfaa Faarax Samatar, Raage waxaa kor uga weynaa Walaalkii Xuseen oo isna Ugaas noqday.
 Raage isagoo quwad qabiil, talis, iyo abwaanimo magac-dheer isugu darmatay ayuu qoodhsaday oo uu guur doontay. Wuxuu ilaalada kolba meel mariyaba, waxaa lasoo sheegay gabadh qurux badani inay jirta oo faadumo nuur la yidhaahdo oo reer jigjiga ah, oo iyada laftigeedu qoys garaado iyo quwadba leh ah. Raage reerkii buu dhowr jeer tagay, si caadi ah isagoon danihiisa sheegan, ileen reerku ab iyo oodna midna makala foga, oo wax shaki ma beerin booqashada raage ugaas.
 Raage dhowrkii jeer ee uu tagay soona hubsaday quruxda gabadha iyo asluubta ilaahay u dhameystiray, Jacayl ayaa qaaday hami guur.Gabayadii uu gabadha kula hadlay waagaas, hadaan mid kasoo qaadno waxaa ka mid ahaa,Gabaygani wuxuu cajiib ku yahay isagoon gabadha haa iyo maya midna ka heysan, ayuu raage isu badiyay dhankii mayada oo uu ka dhigayaa in gabadhu diiday, si uu ugu beer laxowsado, oo kolkaa intey naxdo ay haa u tidhaahdo durbaba.
Alayl dhexe illayskii imaray ababa’daan mooday.
Ma Ugaaso nuur baa qalbiga waanka oogsadaye.
Ina abtaay nin aragaaaga jecel kuuna iman waayay.
Oo eed sokeeyiyo kabaqay uubatiyo qaylo
Oo oodi kaga meersantahay Aqalka aad joogto.
Arin sidaad ukala laasataan adi uun baa og.
Geeluba ugaasooy hadduu ayda miranaayo
Abeertiisa naaxdiiyo hadduu aaranku is waayo
Isaguba makala aamuusa waa isu olo-laaye
Hadaan ina adeereey ku idhi soo ma urugootid
Waan kugu adkeeyaye haddaad iga ajiibeyso
Ogoobay aduunyada ma jiro edeb wax dhaamaaye

 Raage jacaylkii qaaday iyo gabaygan oo dadkii ka dhawaa aga-gaarkaas deegaanku ahaa oo faafayba, waxey ku kaliftay inuu gabadha doonto. Xulufada raacday ee gabadha la doontay waxaa ka mid ahaa, Aw Muxumed Salal, Ugaas Xuseen, Aw Cumar, iyo Xirsi-Jabane Faarax-Cade. Qaabkii guurka loo soo mari jiray iyo arimihii la is dhaafsan jiray oo dhan baa la isku af-gartay, Hadalna idinkuma deeqsiin karee, maaban idiin soo bandhigo Gabay muujinaya oo sawir wanaagsan ka bixinaya Guurka qurxoon, Waxaana tirshay geerarshihii weynaa ee la odhan jiray Weerar Bulxan Yuusuf, muddo isla beryahaas ku dhow. Wuxuu Yidhi Weerar Bulxan:
Adoo dooba reer wacan hadaad doonto gabadhooda
Dalaaqaha hadii lagu xidhiyo meherka diinteena
Sida dowga dhaqankeenu yahay yarad hadaad deeqdo
Ood dalawa geel iyo fardiyo duunyo badan dhiibto
Todobaadka horre waa duciyo dadabgal kaagi dheh

Sawirkaas korre ee Weerar Bulxan ina siin hayo, Ayuunbeynu ku tilmaami karaa qisada dhex martay Raage Ugaas iyo Qoladii uu Gabadha ka doontay. Waxaasa lagu xukumay Sadex xujood, oo Gabadha aabaheed ku xujeystay Raage Ugaas. Sadexdaas xujo waxaa ka mid ahaa, Faras Gallaalan, Ugxan Goroyo, iyo Ilig Maroodi.
 Raage arintaas sahashayoo, howraarsan buu yidhi, dib buuna isu soo majiiray,Tashiga uu ku soo tegeyn yahay, hadii sadexdaas xujo soo furo, Inuu gabadha la wareegi dooni,wakhtiga uusoo sheegto isagu. Ugxan goroyo leh, oo geyigaas Ogaadeeniya aad ugu badnaa,Ilig maroodina lehel oo Wakhtigu wuxuu ku aadanyahay 1850-60′kii, oo Ingiriis iyo Xabashi midna ma xaalufinin, oo Ugaadhi waa tubantahay. Faraskii Galaalnaa ayaa la waayay, Faras Gallaalan hadaan idiin macneeyno, waa Faras Madow, Midab dhiin ahna ku jiro,Kobta sanqaroorka ahna Bar-cad ku leh.
Raage Ugaas wakhti dheer bay ku qaadatay iyo socoto dheer, iyo Kolba reer marti iyo meejii lagu sheegaba geyiga soomaaliyeed. Markii dambe ayaa lasoo sheegay in Faras Gallaalan uu heysto nin majeerteen ah oo ka talin jiray dhul xeebeedka korre, lana odhan jiray Boqor Maxamuud Yuusuf (Xaawade), Oo Boqor Cismaan Aabihii ah.
Raage Ugaas isagoon cidna la tashan ayuu dhaqaaqay, Safar dheerna usoo galay inuu ninkaas is arkaan. Sida loo badanyahay oo dadka suugaanta iyo taariikhda uruursha, Iyo qoyskii qisadani ku saabsaneyda, waxaa la isku raacay in Raage kolkuu reerka uyimid, uu iska dhigay nin dhaan-dhaaman oo maskax-dhiman ah.
Soomaalidu isuma gudbi jirin, oo Raage Ugaas inkastuu magac-dheeraa oo gabayadiisa la wada hayay, laguna halqabsan jiray oo hadalka maalinta madasha la joogo,lagu toosan jiray halku-dhagyadiisii. Hadana fursad buu u helay in qoyskii uu booqday ayna muuqaalkiisa garan.
 Raage in maalmo ah ayuu reerka joogay, isagoo la leeyahay, Nin waalan oo dheer oo qurux badan baa inagaga yimid dhankaas galbeedka,Wuxuu udhukubaaba, maalintii dambe ayuu arkay Boqor Xaawade oo beeshiisa majerten shir u qabanaya meel geed hoostii ah. Faraskiina wuxuu ku xidhanyahay meel geedka inyar u jirta oo gabadh uu boqorku dhalay baa la joogta oo yar, raage intuu talaabo haldhaa qaaday buu faraska geedkii ka furay, kuna booday oo la fakaday.
Boqor Maxamuud Xaawade yaa intuu sheeda ka eegay faraskii oo sii boodhinaya yidhi, Walee Ninkaasi ma waala oo siduu fardo fuul uyahay baan arkaaye, War jiraase cakaara. Waa maalinta ay maah-maahdu baxeyso, Cakaarana waxey aheyd tuulo aad xadaaro badan oo boqorka hoos iman jirtay.
Raage Ugaas isagoo wada faraskii galaalnaa, yuu soo istaajiyay sabada Sasabane,gabayna wuu ka tirshay ay niman uruursan uu kala hadlayay, iyo faraskuu kasoo dhacay Maxamuud Saleebaan iyo Iyo In jidwaaq loo wada xoolahan, Wuxuu kale sheegayaa inuusan Raage aheyn nin gacan adag oo bixin haya, wixii la weydiisataba, siduu dooni haku keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas:
Faraskan shisheeyaha iyo u galay shuunka maxamuuda
Faraskaan markii laga shakiyay laba shanaad siistay
Faraskan sharabihiisii ku daray sidigtii dhool shaaxin
Waa shay mug le bagaan Jidwaaq ku shakamadeeyay
Nimankaad shaxayseen bagaan sharad ku beeneeyay
Shukrina waxan u naqayaa inaan shiqib ku weynaanin 

Raage Ugaas waxaa ukaamil noqday sadexdii xujo, oo maalinkaas gacantiisa ilaahay wada gashay, wakhti dheerse ku lumay, Ugxan Goroyo, Faras Gallaan, Ilig Maroodi. Raage intuu soo maqnaa ee uu arimahan lagu xujeeyay raadintooda jirayba, waxaa reerkii gabadhu joogtay ku dul wareegahayay Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiil-Waal). Garaad Faarax Wuxuu ahaa Boqor ka talin jiray Galbeedka Ogaadeeniya, Aadna caan u ah oo lagu bartay Xujooyin Maldahan iyo fiiro-dheer, Qabiil Quwad lehna dhex taagnaa. Garaad Faarax oo gabadha isna arkooday, aanse ogeyn in gabadhu doonantahay, ayaa dhowr jeer gabadha aabaheed weydiistay, wadaadkii baa ku jawaabay gabadhu waa doonatahay.
 Garaad Faarax baa yidhi oo qolomey udoonantahay, Ninkeyse udoonantahay, Wadaadkii baa ku jawaabay, Gabadha waxaa ka xoola baxshay Nin Reer Ugaas Samatar,Oo Reer Ugaas Xirsi ah, oo Raage Ugaas ah. Garaad Faarax markuu maqlay in ninka gabadha doontay yahay Raage, horayna uga dhaxeysa halgaad-maanso iyo is af dhaaf,ayuu damac labaad oo waalan sii galay. Raage Ugaasna aad buu ugu raagay xujooyinkii loo diray, inkastoo oo uu ku guuleystay keenistoodii, hadana wakhti bay ku qaadatay, Garaad Faarax si uu yeelayba alla inaga oge, Wadaadkii intuu tiigsaday raage, Ayuu Gabadhii siiyay Garaadka.
Gabadhu inkastooyna ku qanacsaneyn guurka qasabka ah ee la siiyay garaad faarax, oo ay wali hamigeedu jiray Raage Ugaas iyo wada sheekeysigoodii horre, hadana hadalkii wadaadka unbay noqotoyoo, gabadha la guuri. Raage ayaa reerkii yimid, isagoo arimihii loo diray wada,gabadhii uu socdayna degantahay reerka oo dhowr biloodba la qabo, garaad faaraxna ku yahay inan layaal.Raage buulkii u horeeyay ee uu fooda soo gashay baa noqday kii gabadha, Biyo isiiya buu yidhi, Gabadhiina garatay ninkuu yahay oo way aqoonsatay, Raagena aqoonsay, Laakiin la isma wareysan, oo raage wali waa war-moog, Gabadhase wadnahaa loo dhaafay naxdin iyo argagax.
 Raage oo geed fadhiya oo biyihii cabaya, Ayeey gabadhii intey orod balaw tidhi aabaheed keentay, Wadaadkii baa ugu tagay raage geedkii. Kobtii baa la isku wareystay oo lagu kala war qaatay, Raage intuu cabaar aamusnaa, Marna istaagay, Marna fadhiistay, amakaag iyo fajac awgii, ayuu gabaygan marshay oo soomaali oo dhan ku caan baxay. Gabaygan wuxuu ina tusayaa, Umuurtan weyn ee lasoo gudboonaatay iyo dhibkuu soo maray, iyo sida uu rajeynayo inay wax isu badaleen, aama dhiig ha udaato ama si kale halagu keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Uraxmee.
 Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye

  Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye 

 Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Usha ma uu qaadan karo sheybihii arag darreeyaaye
Aroos Uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye

  Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e

  Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye
Ninka illo biyaleh soo maree ooman baan ahaye
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye

  Amba Qaadka geediga kobtaan awrka marinaayo
orod kulama boodiyo anoo soo argaagaxaye
Ilaalada halkaan ka arda dhigi waan odorosaaye

  Nin walaalkii Ugaas yahoo eedday baan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
Alle Gooyey oo nabi inkiray oo islaam ma ihi
Ninkaa oorideydii qabaa ubad haduu yeesho

Hadii Tixdaas uu tiriyay Raage Ugaas, Wadaadkii intuu is garan waayay wuxuu ku hadlo, Ayuu Yidhi, Gabadha ka yar baan ku siine, Gabayga kobtaa ku jooji raagow. Raagena yeel oo gabadhii ka yareed baa la siiyay, Walise qalbigiisu min weyntii buu la jiraa uu dhibaatada usoo maray, ee uu xeebta salkeeda uga soo qaaday faraska. Raage isla qoyskii ayuu isna ku noqday inan layaal, Garaad Faaraxna waa inan layaal, oo labadii gabdhood baa lakala qabaa. Garaad Faarax oo tixda Raage ugaas ee Hub uruursiga ah maqlay ayaa si kibir ah ugu yidhi gabadhuu qaabay, Naa ani iyo raage geedkaas baanu kusoo shixiye, intaad si fiican usoo labisato, Ta kaa yar ee raage la siiyayna soo kaxee, oo qolqolka nagu soo dul mara Shaxdii iyadoo la jeexday,oo caadi loo ciyaarahayo, Raagase shafkiisu guuxayo cadho owgeed, ayeey labadii gabdhood soo dul mareen oo mida weyni aad ulabi santahay. Raage Ugaas baa aad il-qoodhka ula raacay, Garaad Faaraxna waa intuu rabaye, Raage Ugaas intuu ciil isla garan waayay ayuu tixdan bilaabay, labada dhinacna la is daba marsaday tixdo sababi doona dhiig daadashadii.
 Raage Ugaas Warfaa:
Geenyada inaan toociyaa ila gudboonayde
sidii guluf wax weeraray cidlaan gelelafaayaaye
Kannaan dagay ……………….. 

Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Qiyaasli’i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiye
Kannaan dagay……………….. 

 Raage Ugaas Warfaa:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Manala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabato
Kannaan dagay……………… 

 Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunaynin
Kanaan dagay………………. 

Raage Ugaas Warfaa:
Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
Ma nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato
Kanaan dagay………………..

 Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiican
Ma lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaaday
Kanaan dagay……………….

 Raage Ugaas Warfaa:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
Mala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado 


 Raage oo kusoo gunaanaday “Mala Qoonsanayaa haduu rubada ka qaado” iyo tooridii oo uu dhuunta ka gashay Garaad Faarax ayaa is raacay, Sidaas ayuuna Garaadkii ku dhintay. Raage Gabadhii weyned ee uu horey u caashaqay ayuu faraskiisii weehad ahaa soo saartay, lana soo dhaqaajiyay. Gabayadii uu dib udiray iyo farimihii waxaa ka mid ahaa, hadan wax kasoo qaadano

Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo! 


Raage Ugaas isagoo gabadhii la aqal galay, Colaadna jirto labadii qoys udhaxeysa, Ayaa amar ilaahay , Libaax qaaday gabadhii, kobtiina ku geeryootay Allaha Unaxariistee. Raage Ugaasna wuxuu ka marshay Gabaygan Muruguda miidhan ah ee isna caanka ah, ee uu sheegan hayo in gabadh midaa udhiganta uusan waligiiba heli doonin:
Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama koox ardo ahoo quraan kaadibka u toostay
Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
Kunbulkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?
Wixii laygu kuuniyay miyaa, igu karaamoobay?
Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?
Maantana kataankii miyaa, layga kala qaaday?
Kob abaar ah meel dhexe miyaa, koore ila meeray?
Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?
Kun iyo kow kurtood dumar hadii laysu wada keeno
kolna waxaana heli karayn haween faadumoo kale’e 


 Muddo aan xiligaas ka fogayn ayaa Raage Ugaas lagu dilay Dagaal ay Jidwaaq soo qaaday, Khaasatan Abasguul oo aarsi ah, Wuxuuna ku aasanyahay Meel Magaalada Fiiq inyar ka xigta Galbeed, Allaha Unaxariistee Ugaaska. Amin Amin Amin Ya Rabbi.

Ø  Waxaa Qorey: Ahmed Musse (Quduf)
Ø  Email: Gelle2013@gmail.com
Ø  at Nkumba, Entebbe, Uganda.   


Tuesday, 11 June 2013

Taariikhdi Garaad ISmaacil Ducaale

 Garaad Ismaaciil Ducaale waxaa uu ku dhashay Migiya magaaladda Laascaanood halkaas oo uu ku bartay Qur'aanka Kariimka kuna Barbaaray,markii danbana dhalinyranimadiisii waxa uu ka mid noqday Shaqaalihii Wasaaradda Beeraha xiligii gobanimadda ka dib. 

Wakhtigii Dawladii Kacaanka ma jirin Shaqooyin badan oo ay qabtan Isimadda, hase yeeshee waayihii Burburka waxa uu ka bilaabay Waan Waantii Nabadaynta Gobaladda Jubooyinka , Isaga oo ahaa Isinka Isimadda Beesha Daarood ugu sareeyey hawlihii xiligaas deegaanadaas laga weydey, ka dibna waxa uu ka qayb galay shirar badan oo caalami ah oo Nabadaynta Soomaliya looga hadlayo oo ay ka mid ahaayeen shirarkii ka dhacay magaalooyinka Nairobi, Adis ababa iyo Caasumadda Dalka Yemen ee Sanca .

Garad Ismaaciil Ducale waxa uu ahaa nin aad u Deeqsi ahaa waxaana uu ahaa nin haybad leh aftahna ah Geesina ah , Alle ha u naxariisto xalayto ayuu ku geeriyooday ka dib markii Dhu-yaal ahaa muddo afar sano ah, iyada oo Caafimaad loo geeyey Wadamo badan oo Geeska afrika bari ku yaala iyo kuwo Carab ah 

Waxaa loo caleema saaray Garadnimadda sanadii 1962, waxaana uu ahaa Isinka kaliya ee ugu Mudda iyo cimriga dheeraa Soomaaliya , Garad Ismaaciil Ducaale wuxuu Guursaday Ilaa Afar xaas oo u dhalay Caruur badan oo ay iyaguna wax sii dhalay .

Saadirku ha geeyo janadiisa e Garaad Ismaciil Ducaale waxaa maanta lagu Aasasay Xabaalaha Magaaladda Laascaanood oo ku yaala k/bari magaaladda, waxaana Aaska Garadka ka soo qayb galay Wafuud badan oo ka kale timi Hargaysa, Burco, Garoowe, Gaalkacyo iyo meelo kale oo badan

Maamul Gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa waxaa ka yimi Wafti balaadhan oo uu Hugaaminayo Gudoomiyaha Gobalka Sool Cumar Jaamac Saleebaan, waxa ayna ka koobnaayeen Xildhibaano, Agaasimayaal iyo waliba Gudoomiyaha Banka Puntland 

dhanka Maamulka Soomaaliland ee caganta ku haya Magaaladda Laascaanoodna ay socdeen labo Wafti oo ay kala Hugaaminayeen Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Maamulka Hargaysa Baashe Maxamed Cadde iyo Wasiirka Qorshaynta Siciid Sulub 
١

Dilki Garaad Cali Garaad Maxamud Garaad Cali iyo cidii ka danbeysey


Waa qayb cusub oo ka mid ah dersigii taxaneha ahaa ee summaddiisu ahayd ‘rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.’  Waxaan maanta soo qaadanaynaa gabaygii Cabdi Xirsi ka tiriyey Gondo Gooye iyo taariikho kale oo la midab ah.  Akhris wanaagsan.

Dhawrkii sano ee ka horreeyey 1901dii waxaa dhacay saddex arrimood oo la odhan karo waxay saamayn xoog leh ku yeesheen geedi-socodka halgankii Daraawiishta ee mudada dhawr iyo labaatanka sano ah socday.  Saddexdaa arrimoodi waxay kala yihiin: 
  1.  Dilkii Garaad Cali Maxamuud ee Oktoober 1899
  2. Dagaalkii Jigjiga ee Maarso 1900, iyo
  3. Kalakacii Gurdumi  
Garaad Cali Garaad Maxamuud Garaad Cali wuxuu ahaa garaadka guud ee Dhulbahante, wuxuuna tirsadaa boqortooyada Shirshoore oo ah boqortooyo fac weyn.  Sida la ii sheegay, silsiladda garaadnimo waxay maanta maraysaa 19 garaad.  Waxay Garaad Cali iyo Daraawiishi is gafeen kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Garaadka iyo taliskii xarunta dabadeed uu Garaadku xaruntii ka guuray colaadna ku talagalay.  Wuxuu diray laba warqadood oo uu midna u diray madaxdii Ingiriiska ee Berbera fadhiday midna u diray boqor Cismaankii Majeerteen.  Waraaqahaa wuxuu kaga cawday in wadaad Ogaadeen ahi Nugaal la wareegay dadkiina isku dubbaritay sidaa awgeed uu u baahan yahay inuu helo ciidan iyo xoog uu kaga hortago wadaadkaa.  Waraaqdii Ingiriiska ku socotay ayey Daraawiishi gacanta ku dhigtay. 

Kolkii waraaqdii xarunta la keenay ayuu Sayidku fariin u faray Garaad Cali oo ku yidhi bal ii imow aynu tashanee.  Garaadku codsigaa wuu yeelay, xaruntii ayuuna wadatashi u yimid isagoo moog in waraaqihii uu diray midood Daraawiishi qabatay xaruntana ay taalo.  Sayidka ayaa dabeed ku yidhi “Garaad xarunta lagaama laha ee kusoo noqo jahaadkana taageer.”  Wadahadal dheer ayaa dhexmaray.  Sayidku wuxuu aad isugu dayey inuu Garaadka soo jiito oo uu xulufaysi ka helo hase yeeshee Garaadku arintaa wuu ka madax adaygay wuxuuna istaagay “degaanka iyo dadka Nugaaleed anaa u taliya ee wadaadyahow wixii diinta ku saabsan ku ekow.” Intaa ka dib, Daraawiishi waxay is tustay in Garaadku collaystay Daraawiish iyo Nugaal joogitaankeedaba, waana la xujeeyey, ka dibna la dilay.  Garaad Cali wuxuu ahaa Soomaaligii labaad  ee gacan Daraawiish ku baxa. 

Garaadka hortii waxay Daraawiishi 1898kii xujaysay nin la odhan jiray Fidhin Qodax oo Habaryoonis, Isaaq ahaa.  Waxaa la yidhi, Fidhin iyo wiil qowsaar u ahaa ayaa isku maandhaafay xidhaaladii uu qowsaarku qaadan jiray dabadeed qawsaarkii ayaa faras la soo baxsaday lana yimid xaruntii Daraawiishta.  Fidhin ayaa ka daba tagay oo yidhi faraska ninku wuu iga soo dhacay ee ha la ii celiyo.  Waxaa lagu yidhi adigu in faras lagaa dhacay ayaad sheeganaysaa ninkanina in aadan xaqiisii siin xidhaaladii uu shaqaystayna aad u diiday ayuu ku dacwiyey, sidaa awgeed shareecada Islaamka ayaa laydinku kala saarayaa ee diyaar ma u tahay?  Fidhin arintaa wuu diiday oo wuxuu yidhi dacwo haddii aan qabo Ingiiska ayaan u tagayaa ee faraskayga ha la i siiyo.   Mar haddii uu  xukunka diinta Islaamka ka doortay midka gaalka, Daraawiishi ninkaa way xujeysay waana la dilay. 

Dhulbahante aad ayuu uga xumaaday dilka Garaad Cali, habeyn madow ayeyna xaruntii ka  guureen Reer Caligeri ma ahee.  Halkaa wixii ka dambeeyey lafaha ugu badan Dhulbahante sida Maxamuud Garaad, Bah Ararsame iyo Reer Hagarba Ingiriis iyo xeeb, bari iyo Boqor Cismaan, Mudug iyo Keenadiid ayey madaxdoodii ka cidgashay, colaad iyo dagaalo aan kala go’ lahayn ayeyna Daraawiishi kala kulantay.  Gabayo badan oo Sayidka iyo rag kaleba ka tiriyeen khilaafkaa ayaa jira.

Iyagoo awalba colaadaa qabay ayey Bah Ararsame waxay gaar ahaan sii eersatay dilkii Faarax Maxamuud Sugule oo ka mid ahaa raggii shirqoolkii Canjeel wax ka abaabulay, ka dibna baxsaday oo Ingiriis u galay.  Isagoo guuto Ingiriis u hubeeyey wata oo ku sugan Laaso Daar iyo Widhwidh agagaarkeeda ayaa niman Daraawiish ah oo Webi Shabeele Daraawiishtii deganayd ka soo noqday ka soo dul dhaceen.  Qadar Alla, isagoo kaligii geed Higlo ah hoos jiifa oo aan wax col ah filaynin ayey si kadis ah usoo dul istaageen.  Jaantii iyo shanqadhii nimanka ayuu ku toosay.  Degdeg ayaa la isu gartay ileen nin madaxda Daraawiish ka mid ah ayuu kol dhow ka hor ahaaye.  Eedda uu qabo Faarax ma moogayn, wuxuuna isku dayey inuu cago ku baxsado, laakiin nimankii ayaa markiiba afar waran isu dhaafiyey.  Halkaa ayuu ninkaasina ku baxay.      

Dilka Faarax wuu dambeeyey, laakiin dilka Garaad Cali iyo colaadii ka dhalatay saamayn xoog leh ayey ku yeesheen  amaamudkii jahaadka, sidaa daraadeed Daraawiishi carro Dhulbahante way kasoo guurtay oo waxay degtay carro Ogaadeen gaar ahaan Doollo, Dig, Ciid iyo inta la ollaga ah. 

Muddo gaaban kolkuu degaankaa joogay, awood fiicanna kulansaday, jilibyadii halkaa ku dhaqnaana taageero ka helay, wuxuu Sayidku abaabulay duulaankii koowaad oo uu ku balaadhiyey Xabashidii Jigjiga haysatay. Dagaalka Jigjiga wuxuu dhacay Maarso 1900kii wuxuuna ahaa dagaalkii ugu horreeyey ee dhexmara Daraawiish iyo gumaysiga.  Difaaca uu dadkiisa gumaysiga iyo gardaradiisa ka difaacayo waxaa u dheeraa oo ujeedooyinka uu Sayidku dagaalkan ka lahaa ka mid ahaa inuu muujiyo in ciidan iyo hub-uruursigiisu ku wajahan yahay Xabashi iyo dhulbalaadhsiga xaqdarada ah ee ay ku hayso Soomaalida.  Wuxuu Sayidku jeclaa in Ingiriis u dambeeyo oo ay marka horre Daraawiish iyo Xabashiyi kala war helaan.  Isagoo iska dhawraya iskudhac dhexmara Daraawiish iyo Ingiriis ayuu Sayidku dhawr goor qalab Ingiriiska lagala soo baxsaday celiyey si Ingiriis u ogaado inaan Daraawiishi colaad u haynin duulaanna ku ahayn.

Laakiin sidii Sayidku jeclaa ma noqon oo dagaalkii Jigjiga wuxuu Ingiriisku ka fahmay awoodda iyo kani-adaygga Daraawiish, wuxuuna isku qanciyey inaan xero u oodnayn haddii Daraawiishi xididaysato.  Wuxuu kaloo dagaalkaasi isu soo jiiday Ingiriis iyo Xabashi oo go’aansaday inay si wadajir ah wadaadka uga hortagaan. Sidaa awgeed, dagaalkani saamayn weyn ayuu ku lahaa qaabaynta halgankii Daraawiishta.    

Kalakacii Gurdumi wuxuu ahaa shirqool ay niman Bah Xawaadle, Reer Cabdille ahi u dhigeen Sayidka, wuxuuna dhalay masiibadii Gondo Gooye.  Dagaalkii Jigjiga ka dib, Daraawiishi way bulaashay, tolal udbahoodii iyo dhigahoodii wata ayaana soo galay.  Kuwii aan wali iman ayuu Sayidku rag u diray oo yidhi waa inay dariiqada kusoo biiraan, jahaadkana taageeraan.  Inkasta oo rag badani amarkaa Sayidka u riyaaqay fulintiisana ku dhaqaaqay haddana waxaa jiray rag ka gows-qabsaday laakiin aan ku dhiiran inay toos maya u yidhaahdaan.  Nin la odhan jiray Shide Dhabarjilic ayaa isagu si toos ah arintaa uga dhaga-adaygay, dareenkiisana aan qarsan.  Shide waa la xujeeyey waana la dilay.  Ninkaasi sidaa haddii uu ku dhintay ayaa, waxaa la yidhi, Sayidka hadal ka baxay, hadalkaa oo shaki galiyey sababtii Shide loo dilay.  Hadalkaasi wuxuu ahaa “war Shide Dhabar-jilic Xasan Jiijiile ma u aaro galaa.”  Dhacdadani qiso dheer ayey leedahay laakiin intaa ayeynu haatan isku koobaynaa. 

Intaa ka dib, nimankuu Shide ka dhashay ayaa gadooday kana xumaaday dilkaa iyo hadalkaa ka daba yimid.  Waxay ku heshiiyeen inay Sayidka ka faraxashaan, dariiqadiisu inta ay curdanka tahayna ay saqiir suujiyaan.  Shirqool ayey haddaba dhigeen.  Sayid Maxamed ayey rag u direen oo ku yidhaahdeen sidii Alle noogu kaa keenay kuuma aanan dabaaldegin, ee waxaan doonaynaa inaan kuu damaashaadno ee taariikhdu kolkii ay intaa tahay balliga Gurdumi ha inoo ahaato.  In kasta oo shaki ku dhashay, haddana Sayidku arintaa wuu aqbalay.    Gurdumi ayaa xilligii la ballamay la isugu yimid, shirqoolkiina lagu fuliyey.  Alle mahadii, Sayidku wuu ka badbaaday dabinkaa laakiin labada dhinacba rag badan oo Aw Cabbaas ku jiro ayaa goobtaa ku qudhbeelay.    

Waa la kala aamin baxay, qolo walbana dhinac ayey isu uruurisay.  Nimankii shirqoolka ka dambeeyey  ayaa shiray kuna heshiiyey inay Sayidka guddi maslaxo raadis ah u diraan.  Waxay soo xuleen 33 nin oo midba midka kale ka daran yahay Sayid Maxamedna ergo ahaan ugu direen.  Ergadaasi waji fiican lama kulmin oo kolkii ay xaruntii tageen ayaa la xidhay.  Sayidku wuxuu faray fariin ah in Bah Xawaadle gaar ahaan Reer Dalal ay nimanka furtaan kuna furtaan laba qori oo Daraawiish lagala tagay iyo 100 neef oo geel ah midkiiba.  Kolkii dalabkaas Reer Dalal fulin diiday, nimankii maxaabiista ahaa Daraawiishi si arxandarro ah ayey ula dhaqantay.   Oo waa sidee sidaasi?  Labo labo ayaa la isagu xidhay kadibna addimada ayaa bir lagaga jabiyey, ugu dambaynna dhammaantood la laayey. 

Kalakacii Gurdumi iyo Gondogooye waxaa iyagana la odhan karaa saamayn xoog leh ayey ku yeesheen taabogalka halgankii xaq u dirirka ahaa ee Daraawiishta.  Rag door ah ayaa gabayo ka tiriyey dhacdadan.  Gabaygan hoose ee hodanka ah waxaa mariyey gabayaa la odhan jiray Cabdi Xirsi oo nimankaa la laayey ay isku raas ahaayeen.  Wuxuu yidhi:     
  • Gabay layga waa Maxamedow, garashadiisiiye١
  • Indhawaydba geesbaan ka maray, gole ka sheegiise
  • Geeraaradii iyo ka hadhay, gooddi iyo faane
  • Gedisaday geddaan odhan jiroo, waanigaa gudhaye
  • Geddii nimaan aqoon jirinna waa, lagu gulaalmaaya
  • Waa kaan gardiidaye beryey, gunno i saarayde
  • Gadhka waxaad i haysaba haddaan, kuu godlanayaaye
  • Bal garwaaqso gaban baad tahaye, gololadaan tooxi
  • Guntaan nahay xaajada wada gubtaan, xalay garraadeeyey
  • Meeshii go’aankeedu yahay, gacalow hay seejin
  • Gabay Hawle iyo Raage iyo sidii, geddii Weerar
  • Afartaa gar layskuma qasee, ma u gufaacooday
  • Galsho lama dhurtee sow midkani, gacankii Eyl ma aha
  • Meeshaan u goof xaadhan jiray, gaw ma kaga siiyey
  • Guulaamo roob iyo sidii, galal biyoobaaya
  • Gaaroodi lagu weerar yahay sida, gammaan xoogle
  • Girligaan dawaarliyo sidii, roob guyoo hooray
  • Ama sida gufaacada baddiyo, mowjad galab joogta
  • Ama goor gariimadi dhacdoo, galowgu dhiiloobay
  • Ama goos aroortii la riday, gaaddan iyo raacdo
  • Ama culimo geed waabatoo, subac ku gawdiidda
  • Ama odayo guurti u baxoo, xaajo gu’i wayday
  • Ama Ferenji gaardiyahayoo, gaadhka laga meershay
  • Ama ceel galshaysiya dadkoo, gamashi boobaaya
  • Ama giir-yar geeddiyo hayaan, gubayo oon hayso
  • Ama goodir dhalayoo ilmihii, gurada loo saaray
  • Ama naag raggeedii go’ayoo, gocasho ooyeysa
  • Ama awr gugiisii da’ayoo, gaane lagu qooqshay
  • Walee xalayto goortii la leday, gawdii iga yeedhay
  • Guuxayga iyo reenkiyo, gubashadii laabta
  • Gorroskaan ilamada duugayiyo, gododkii aan jeexay
  • Gelbidhabadka goortaan hurdada, gudub usoo booday
  • Ninkii garasho lay fiiiyaye, gama la’aantayda
  • Guhaaddiyo waxaa iigu wacan, gibilka lay saaray
  • Aakhiro raggii iga galaan, soo qarwaaqsadaye
  • Gergeyrtaad ogayd baan tebiyo, goosankii lumaye
  • Godka kalama soo bixi karee, waa galoof olole
  • Waa garab la’aan meesha iyo, galabtii Dhiitaade
  • Gondogooye siduu noogu dhacay, gaasir baan nahaye
  • Ganku way madow yahay sidii, gubad abaareede
  • Geesaaska dumarkaa qalbigu, ila gariiraaye
  • Goonyaha waxaa iga xigga, gole ogoomeede
  • Geestaan u meeraba haween, guud cad baa tubane
  • Geblan weeye reeruhu haddaan, geesiyaal kicine
  • Shirkan laysku wada guulayaa waa, gabbood madhane
  • Gubni odaya gaas wada dhashoo, geed ka kici waaya
  • Gadh-caddaayo xaajada hayoo, garasho loo daayey
  • Garta niman yaqaanoo la waa, tooda loo go’o e
  • Eebbow xaggaa naga gargaar, guushu waa adiye
  • Gaban kale waa sida adduun, noo gilgilay haatan
  • Mar haddii guddoon naga dhintoo, boqorna geeryooday
  • Gaanigii Xuseen iyo haddaan, gacal adeer waayey
  • Gobonimo haddii aanan damcayn, gacanta lay saaro
  • Gaddii hore hadday naga gudhoo, lay gadh qaadaayo
  • Gaadiid haddaan ahay la rari, gu’i iyo jiilaalba
  • Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor Alliyo fiidba
  • Naftoo ila gariirtiyo anoo, gaadasho u taagan
  • Gumcadliyo Mareexaan anoo, sedo u gaynaaya
  • Gadh-cun reer lug-gaab ihi hadduu, iga gol roonaaday
  • Goobtii hadduu igaga hadhay, garicii ceeboobay
  • Gaalkaan nebcaa iyo hadduu, ii guntaday Caamir
  • Hadduu Maxamed gaal-layska iyo, gamaska ii looshan
  • Geyigaan iqiin iyo hadduu, Doollo naga geeyey
  • Ceelkii Garlowgubay hadduu, gobonimo u qaatay
  • Doh intaan ka gaadhiyo intay, goray ka foofayso
  • Godka seesha gooyaha Bankiyo, webiga geestiisa
  • Goglo iyo haddii aanan helayn, gurarkii Laandheero
  • Golxoodkii dhannaanaa haddaan, goray ka fuudeynin
  • Gaw iyo gaskii jiirta iyo, gala jabkii laagta
  • Geedaha bannaankooda simay, Miiro garabkooda
  • Gocondhaale iyo Caadiyo, Sebi garraarkiisa
  • Galka Simay gafiir iyo Dannood, Harasan guudkeeda
  • Isha Gawlalaaliyo Gar-duur, Xodayo guudkeeda
  • Godankii madheedhkiyo lahaa, geedsankiyo saarka
  • Gombisiyo gaankii Digeed, Goonle agahiisa
  • Gomoshaale geesaha Darroor, amase geel Faahis
  • Gahaydhkii Awaariyo ku yaal, Sagag gafuurkeeda
  • Milmil gawrarkeediyo waddada, Gubato loo qaado
  • Gobabkii Bullaaliyo dixdii, gunnadu noo tiilay
  • Garbidii Butaalliyo Ciyow, Gunagadoo doogle
  • Gosha webiga geediga Dhanaan, geedihii Elele
  • Intaasoo geyiga Reer Wacays, gocay ku maalaayey
  • Oo geelu ugu naaxi jiray, gu’i iyo dayrtiiba
  • Ninba garu u daaqaba haddii, maanta laga gaaray
  • Geediga haddaan laga dhigayn, loo genfaday awrka
  • Tawal goonyaheediyo haddaan, Wadal kasii guuray
  • Guro iyo haddii layga riday, gudihii Uu-uule
  • Guryihii Qotaad iyo haddii, Adari lay geeyey
  • Gurre nimanka sheegtiyo Amxaar, igu gadoodaaya
  • Gudabiirsay iyo Ciisiyo, Alado guuxaysa   
  • Iidoor galbeed iyo haddaan, gaalo deris mooday
  • Gaashaan lasoo hooriyiyo, garab haddaan waayey
  • Sow haatan inaan gaaxiyaa, gabayga daw ma aha!

١Gabayga waxaan kasoo guuriyey buugga Aw Jaamac ee hoos ku xusan.