By Ahmed Musse (Quduf)
Qabqab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu, qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco, qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo!
Qisadani
akhristoow waxey ku saabsantahay rag caan ah oo soomalida ku magac bixiyay,
Abwaano iyo Talis xukumona isugu jira. Qisadani waxey ka bilaabatay Raage Ugaas
iyo Nin uu gabadh ka doonay oo reer jigjiga ah, kadibse dad badan
aafeysay. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka sasabane ee ogaadeeniya,
kana tirsan gobolka jarareed ee xarunta utahay Dhagax-Buur. Raage Ugaas wuxuu
kasoo jeedaa qoys talin jiray oo ugaasyo ahaa badankood, aabihii Waa Ugaas Warfaa
Faarax Samatar, Raage waxaa kor uga weynaa Walaalkii Xuseen oo isna Ugaas
noqday.
Raage
isagoo quwad qabiil, talis, iyo abwaanimo magac-dheer isugu darmatay ayuu
qoodhsaday oo uu guur doontay. Wuxuu ilaalada kolba meel mariyaba, waxaa lasoo
sheegay gabadh qurux badani inay jirta oo faadumo nuur la yidhaahdo oo reer
jigjiga ah, oo iyada laftigeedu qoys garaado iyo quwadba leh ah. Raage reerkii
buu dhowr jeer tagay, si caadi ah isagoon danihiisa sheegan, ileen reerku ab
iyo oodna midna makala foga, oo wax shaki ma beerin booqashada raage ugaas.
Raage
dhowrkii jeer ee uu tagay soona hubsaday quruxda gabadha iyo asluubta ilaahay u
dhameystiray, Jacayl ayaa qaaday hami guur.Gabayadii uu gabadha kula hadlay
waagaas, hadaan mid kasoo qaadno waxaa ka mid ahaa,Gabaygani wuxuu cajiib ku
yahay isagoon gabadha haa iyo maya midna ka heysan, ayuu raage isu badiyay
dhankii mayada oo uu ka dhigayaa in gabadhu diiday, si uu ugu beer laxowsado,
oo kolkaa intey naxdo ay haa u tidhaahdo durbaba.
Alayl dhexe illayskii
imaray ababa’daan mooday.
Ma Ugaaso nuur baa
qalbiga waanka oogsadaye.
Ina abtaay nin
aragaaaga jecel kuuna iman waayay.
Oo eed sokeeyiyo
kabaqay uubatiyo qaylo
Oo oodi kaga
meersantahay Aqalka aad joogto.
Arin sidaad ukala
laasataan adi uun baa og.
Geeluba ugaasooy
hadduu ayda miranaayo
Abeertiisa naaxdiiyo
hadduu aaranku is waayo
Isaguba makala
aamuusa waa isu olo-laaye
Hadaan ina adeereey
ku idhi soo ma urugootid
Waan kugu adkeeyaye
haddaad iga ajiibeyso
Ogoobay aduunyada ma
jiro edeb wax dhaamaaye
Raage
jacaylkii qaaday iyo gabaygan oo dadkii ka dhawaa aga-gaarkaas deegaanku ahaa
oo faafayba, waxey ku kaliftay inuu gabadha doonto. Xulufada raacday ee gabadha
la doontay waxaa ka mid ahaa, Aw Muxumed Salal, Ugaas Xuseen, Aw Cumar, iyo
Xirsi-Jabane Faarax-Cade. Qaabkii guurka loo soo mari jiray iyo arimihii
la is dhaafsan jiray oo dhan baa la isku af-gartay, Hadalna idinkuma deeqsiin
karee, maaban idiin soo bandhigo Gabay muujinaya oo sawir wanaagsan ka bixinaya
Guurka qurxoon, Waxaana tirshay geerarshihii weynaa ee la odhan jiray Weerar
Bulxan Yuusuf, muddo isla beryahaas ku dhow. Wuxuu Yidhi Weerar Bulxan:
Adoo
dooba reer wacan hadaad doonto gabadhooda
Dalaaqaha hadii lagu
xidhiyo meherka diinteena
Sida dowga
dhaqankeenu yahay yarad hadaad deeqdo
Ood dalawa geel iyo
fardiyo duunyo badan dhiibto
Todobaadka horre waa
duciyo dadabgal kaagi dheh
Sawirkaas
korre ee Weerar Bulxan ina siin hayo, Ayuunbeynu ku tilmaami karaa qisada dhex
martay Raage Ugaas iyo Qoladii uu Gabadha ka doontay. Waxaasa lagu xukumay
Sadex xujood, oo Gabadha aabaheed ku xujeystay Raage Ugaas. Sadexdaas xujo
waxaa ka mid ahaa, Faras Gallaalan, Ugxan Goroyo, iyo Ilig Maroodi.
Raage
arintaas sahashayoo, howraarsan buu yidhi, dib buuna isu soo majiiray,Tashiga
uu ku soo tegeyn yahay, hadii sadexdaas xujo soo furo, Inuu gabadha la wareegi
dooni,wakhtiga uusoo sheegto isagu. Ugxan goroyo leh, oo geyigaas Ogaadeeniya
aad ugu badnaa,Ilig maroodina lehel oo Wakhtigu wuxuu ku aadanyahay
1850-60′kii, oo Ingiriis iyo Xabashi midna ma xaalufinin, oo Ugaadhi waa
tubantahay. Faraskii Galaalnaa ayaa la waayay, Faras Gallaalan hadaan idiin
macneeyno, waa Faras Madow, Midab dhiin ahna ku jiro,Kobta sanqaroorka ahna
Bar-cad ku leh.
Raage
Ugaas wakhti dheer bay ku qaadatay iyo socoto dheer, iyo Kolba reer marti iyo
meejii lagu sheegaba geyiga soomaaliyeed. Markii dambe ayaa lasoo sheegay in
Faras Gallaalan uu heysto nin majeerteen ah oo ka talin jiray dhul xeebeedka
korre, lana odhan jiray Boqor Maxamuud Yuusuf (Xaawade), Oo Boqor Cismaan
Aabihii ah.
Raage
Ugaas isagoon cidna la tashan ayuu dhaqaaqay, Safar dheerna usoo galay inuu
ninkaas is arkaan. Sida loo badanyahay oo dadka suugaanta iyo taariikhda
uruursha, Iyo qoyskii qisadani ku saabsaneyda, waxaa la isku raacay in Raage
kolkuu reerka uyimid, uu iska dhigay nin dhaan-dhaaman oo maskax-dhiman ah.
Soomaalidu
isuma gudbi jirin, oo Raage Ugaas inkastuu magac-dheeraa oo gabayadiisa la wada
hayay, laguna halqabsan jiray oo hadalka maalinta madasha la joogo,lagu toosan
jiray halku-dhagyadiisii. Hadana fursad buu u helay in qoyskii uu booqday ayna
muuqaalkiisa garan.
Raage
in maalmo ah ayuu reerka joogay, isagoo la leeyahay, Nin waalan oo dheer oo
qurux badan baa inagaga yimid dhankaas galbeedka,Wuxuu udhukubaaba, maalintii
dambe ayuu arkay Boqor Xaawade oo beeshiisa majerten shir u qabanaya meel geed
hoostii ah. Faraskiina wuxuu ku xidhanyahay meel geedka inyar u jirta oo gabadh
uu boqorku dhalay baa la joogta oo yar, raage intuu talaabo haldhaa qaaday buu
faraska geedkii ka furay, kuna booday oo la fakaday.
Boqor
Maxamuud Xaawade yaa intuu sheeda ka eegay faraskii oo sii boodhinaya yidhi,
Walee Ninkaasi ma waala oo siduu fardo fuul uyahay baan arkaaye, War jiraase
cakaara. Waa maalinta ay maah-maahdu baxeyso, Cakaarana waxey aheyd tuulo aad
xadaaro badan oo boqorka hoos iman jirtay.
Raage
Ugaas isagoo wada faraskii galaalnaa, yuu soo istaajiyay sabada
Sasabane,gabayna wuu ka tirshay ay niman uruursan uu kala hadlayay, iyo
faraskuu kasoo dhacay Maxamuud Saleebaan iyo Iyo In jidwaaq loo wada xoolahan,
Wuxuu kale sheegayaa inuusan Raage aheyn nin gacan adag oo bixin haya, wixii la
weydiisataba, siduu dooni haku keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas:
Faraskan
shisheeyaha iyo u galay shuunka maxamuuda
Faraskaan markii
laga shakiyay laba shanaad siistay
Faraskan sharabihiisii
ku daray sidigtii dhool shaaxin
Waa shay mug le
bagaan Jidwaaq ku shakamadeeyay
Nimankaad shaxayseen
bagaan sharad ku beeneeyay
Shukrina waxan u
naqayaa inaan shiqib ku weynaanin
Raage
Ugaas waxaa ukaamil noqday sadexdii xujo, oo maalinkaas gacantiisa ilaahay wada
gashay, wakhti dheerse ku lumay, Ugxan Goroyo, Faras Gallaan, Ilig Maroodi.
Raage intuu soo maqnaa ee uu arimahan lagu xujeeyay raadintooda jirayba, waxaa
reerkii gabadhu joogtay ku dul wareegahayay Garaad Faarax Garaad Xirsi
(Wiil-Waal). Garaad Faarax Wuxuu ahaa Boqor ka talin jiray Galbeedka
Ogaadeeniya, Aadna caan u ah oo lagu bartay Xujooyin Maldahan iyo fiiro-dheer,
Qabiil Quwad lehna dhex taagnaa. Garaad Faarax oo gabadha isna arkooday, aanse
ogeyn in gabadhu doonantahay, ayaa dhowr jeer gabadha aabaheed weydiistay,
wadaadkii baa ku jawaabay gabadhu waa doonatahay.
Garaad
Faarax baa yidhi oo qolomey udoonantahay, Ninkeyse udoonantahay, Wadaadkii baa
ku jawaabay, Gabadha waxaa ka xoola baxshay Nin Reer Ugaas Samatar,Oo Reer
Ugaas Xirsi ah, oo Raage Ugaas ah. Garaad Faarax markuu maqlay in ninka gabadha
doontay yahay Raage, horayna uga dhaxeysa halgaad-maanso iyo is af dhaaf,ayuu
damac labaad oo waalan sii galay. Raage Ugaasna aad buu ugu raagay xujooyinkii
loo diray, inkastoo oo uu ku guuleystay keenistoodii, hadana wakhti bay ku
qaadatay, Garaad Faarax si uu yeelayba alla inaga oge, Wadaadkii intuu
tiigsaday raage, Ayuu Gabadhii siiyay Garaadka.
Gabadhu
inkastooyna ku qanacsaneyn guurka qasabka ah ee la siiyay garaad faarax, oo ay
wali hamigeedu jiray Raage Ugaas iyo wada sheekeysigoodii horre, hadana
hadalkii wadaadka unbay noqotoyoo, gabadha la guuri. Raage ayaa reerkii yimid,
isagoo arimihii loo diray wada,gabadhii uu socdayna degantahay reerka oo dhowr
biloodba la qabo, garaad faaraxna ku yahay inan layaal.Raage buulkii u horeeyay
ee uu fooda soo gashay baa noqday kii gabadha, Biyo isiiya buu yidhi,
Gabadhiina garatay ninkuu yahay oo way aqoonsatay, Raagena aqoonsay, Laakiin la
isma wareysan, oo raage wali waa war-moog, Gabadhase wadnahaa loo dhaafay
naxdin iyo argagax.
Raage
oo geed fadhiya oo biyihii cabaya, Ayeey gabadhii intey orod balaw tidhi
aabaheed keentay, Wadaadkii baa ugu tagay raage geedkii. Kobtii baa la isku
wareystay oo lagu kala war qaatay, Raage intuu cabaar aamusnaa, Marna istaagay,
Marna fadhiistay, amakaag iyo fajac awgii, ayuu gabaygan marshay oo soomaali oo
dhan ku caan baxay. Gabaygan wuxuu ina tusayaa, Umuurtan weyn ee lasoo
gudboonaatay iyo dhibkuu soo maray, iyo sida uu rajeynayo inay wax isu
badaleen, aama dhiig ha udaato ama si kale halagu keene. Wuxuu Yidhi Raage
Ugaas, Allaha Uraxmee.
Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay
uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa
libaax iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga
eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka
leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo
garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo
oof nimay iimi kaga taale
Usha ma uu qaadan
karo sheybihii arag darreeyaaye
Aroos Uma galbado
nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo
hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal
midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la
urugoonayaa uurkutaalada e
Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye
Ninka illo biyaleh
soo maree ooman baan ahaye
Ninka ooridiisii nin
kale loo igdhaan ahaye
Amba Qaadka geediga kobtaan awrka marinaayo
orod kulama boodiyo
anoo soo argaagaxaye
Ilaalada halkaan ka
arda dhigi waan odorosaaye
Nin walaalkii Ugaas yahoo eedday baan ahaye
Nin abkii Ogaadeen
yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar
ninkaa aamusaan ahaye
Alle Gooyey oo nabi
inkiray oo islaam ma ihi
Ninkaa oorideydii
qabaa ubad haduu yeesho
Hadii
Tixdaas uu tiriyay Raage Ugaas, Wadaadkii intuu is garan waayay wuxuu ku hadlo,
Ayuu Yidhi, Gabadha ka yar baan ku siine, Gabayga kobtaa ku jooji raagow.
Raagena yeel oo gabadhii ka yareed baa la siiyay, Walise qalbigiisu min weyntii
buu la jiraa uu dhibaatada usoo maray, ee uu xeebta salkeeda uga soo qaaday
faraska. Raage isla qoyskii ayuu isna ku noqday inan layaal, Garaad Faaraxna
waa inan layaal, oo labadii gabdhood baa lakala qabaa. Garaad Faarax oo
tixda Raage ugaas ee Hub uruursiga ah maqlay ayaa si kibir ah ugu yidhi
gabadhuu qaabay, Naa ani iyo raage geedkaas baanu kusoo shixiye, intaad si
fiican usoo labisato, Ta kaa yar ee raage la siiyayna soo kaxee, oo qolqolka
nagu soo dul mara Shaxdii iyadoo la jeexday,oo caadi loo ciyaarahayo, Raagase
shafkiisu guuxayo cadho owgeed, ayeey labadii gabdhood soo dul mareen oo mida
weyni aad ulabi santahay. Raage Ugaas baa aad il-qoodhka ula raacay, Garaad
Faaraxna waa intuu rabaye, Raage Ugaas intuu ciil isla garan waayay ayuu tixdan
bilaabay, labada dhinacna la is daba marsaday tixdo sababi doona dhiig
daadashadii.
Raage Ugaas Warfaa:
Geenyada inaan toociyaa ila gudboonayde
sidii guluf wax
weeraray cidlaan gelelafaayaaye
Kannaan dagay
………………..
Garaad
Faarax Garaad Wiil-Waal:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Qiyaasli’i ninkii
ugu tagow qoomamaa xigiye
Kannaan dagay………………..
Raage Ugaas Warfaa:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Manala qoonsanaayaa
haday fuulmo nooqabato
Kannaan dagay………………
Garaad Faarax Garaad
Wiil-Waal:
Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
Qooraansigiisaa
kuugu daran quud aan lacunaynin
Kanaan dagay……………….
Raage
Ugaas Warfaa:
Qumbe malaba oo meel
qotoma oo rag wada quuto
Ma nalagu
qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato
Kanaan dagay………………..
Garaad Faarax Garaad
Wiil-Waal:
Nin adoogi dhawr
qaalin dhalay qolona kaa fiican
Ma lagu qoonsanaayaa
haduu gabadhi kaa qaaday
Kanaan dagay……………….
Raage Ugaas Warfaa:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
Mala qoonsanaayaa
haduu rubadda kaa qaado
Raage oo kusoo gunaanaday “Mala
Qoonsanayaa haduu rubada ka qaado” iyo tooridii oo uu
dhuunta ka gashay Garaad Faarax ayaa is raacay, Sidaas ayuuna Garaadkii ku
dhintay. Raage Gabadhii weyned ee uu horey u caashaqay ayuu faraskiisii weehad
ahaa soo saartay, lana soo dhaqaajiyay. Gabayadii uu dib udiray iyo farimihii
waxaa ka mid ahaa, hadan wax kasoo qaadano:
Qab
qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu
qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana
hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena
qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku
dilay qoomamayn mahayo!
Raage
Ugaas isagoo gabadhii la aqal galay, Colaadna jirto labadii qoys udhaxeysa,
Ayaa amar ilaahay , Libaax qaaday gabadhii, kobtiina ku geeryootay Allaha
Unaxariistee. Raage Ugaasna wuxuu ka marshay Gabaygan Muruguda miidhan ah ee
isna caanka ah, ee uu sheegan hayo in gabadh midaa udhiganta uusan waligiiba
heli doonin:
Sida
koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeb ah oo
nirgaha, laga ka xaynaayo
Ama beelo keynaan ah, oo
kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada
jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama koox ardo ahoo
quraan kaadibka u toostay
Ama habar kurkii iyo
wadnaha, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo,
kur iyo dhal yaabis
Shinni kaaluf galay ama
siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma
ladin, kaamil reeruhuye
Kunbulkiyo ardaagii
miyaa, laygu kaliyeeyay?
Wixii laygu kuuniyay
miyaa, igu karaamoobay?
Kunbiskii miyaa layga
qubay, kolayo ii buuxay?
Maantana kataankii
miyaa, layga kala qaaday?
Kob abaar ah meel dhexe
miyaa, koore ila meeray?
Kub miyaan ka jabay
biixiyaan, kabayo loo haynin?
Kun iyo kow kurtood
dumar hadii laysu wada keeno
kolna waxaana heli
karayn haween faadumoo kale’e
Muddo aan xiligaas ka fogayn ayaa Raage Ugaas lagu dilay
Dagaal ay Jidwaaq soo qaaday, Khaasatan Abasguul oo aarsi ah, Wuxuuna ku
aasanyahay Meel Magaalada Fiiq inyar ka xigta Galbeed, Allaha Unaxariistee
Ugaaska. Amin Amin Amin Ya Rabbi.
Ø Waxaa Qorey: Ahmed Musse (Quduf)
Ø Email: Gelle2013@gmail.com
Ø at Nkumba, Entebbe, Uganda.
